Weeraryahanka Man United Robin Van Persie ayaa kusii dhawaanaya ku biiritaanka kooxda Fenerbahce ee dalka Turkiga.
Robin Van Persie wuxuu berito oo axad ah u duuli doonaa dalka Turkiga si uu caafimaad ugu maro kooxdan sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha kooxdan Aziz Yıldırım.
Fenerbahce waxey ku dhawaaqday iney wadahadal kula jirto Man United si ay ugala xaajoodaan arinta xidigaan reer Dutch, waxeyna u muuqataa in arintiisa heshiis laga gaaray, haatana wuxuu u marayaa caafimaad kooxdaan.
“Robin Van Persie wuxuu imaanayaa Istanbul maalinimada Axada ah” Ayuu yiri Aziz Yıldırım oo la hadlayay Anadolu Agency
Marka heshiiska xidigaan uu ugu wareegayo Fenerbahce lagu dhawaaqo wuxuu kula midoobi doonaa halkaas saaxiibkiisii hore Man United Luis Nani.
Ugu dambeyntii Robin Van Persie ayaa ka mid noqonaya xidigaha sumcada ku leh yurub ee aaday turkiga sanadkaan waxaana ka mid ah Podolski.