Weeraryahanka reer Croatia Ivan Perisic kana weerar galo dhanka garabka bidix ayaa siweyn loo hadal hayaa inuu kooxda Inter Milan ka mid noqon doono.
Ivan Perisic ayaa haatan kooxdiisa VFL Wolfsburg ka helay ogolaansho rasmi ah ee uu Inter Milan wada hadal kula gali karo.
Sidaa darteed wakiilka Ivan Perisic ayaa sheegay in todobaadka nagu soo fool leh uu xidigan si rasmi ah kooxda Inter Milan kaga mid noqon doono.
Inter caqabada ka hortaagan saxiixa Perisic ayaa ah in weli aysan kooxdan helin naadi ka iibsato Xherdan Shaqiri oo haatan iska diiday inuu kooxda Schalke 04 ku biro.
Tonci Martic oo ah wakiilka Ivan Perisic wuxuu yiri “dulqaad ayaa loo baahan yahay balse waxaan ku kalsoonahay in Ivan uu todobaadka dambe Inter ka miq noqon doono”
“Wolfsburg ogolaansho ayay siisay sidoo kalena Perisic isagana wuxuu go’aansaday inuu mustaqbalkiisa Inter Milan u hibeeyo”
“Waxaanba sugnaa waa in Inter ay la heshiiso kooxda Wolfsburg taasi oo aan ku kalsoonahay in mudo 7-maalmood gudaheeda ay hirgali doonto”