Home » Maxaa Cusub » Graham Hunter: Xitaa Ciyaartoyda Manchester City Ayaa Doonaya In Lasoo Iibiyo Cristiano Ronaldo

Graham Hunter: Xitaa Ciyaartoyda Manchester City Ayaa Doonaya In Lasoo Iibiyo Cristiano Ronaldo


Real Madrid CF v RC Deportivo La Coruna - La Liga

Ciyaartoyda kooxda Mancheste City ayaa kalsooni ku qaba in kooxdooda ay lasoo saxiixaneyso xidiga ugu wanaagsan Dunida Cristiano Ronaldo sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.

Ronaldo ayaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu ka dhaqaaqi doono kooxda difaacaneysa taranka horyaalada yurub ee Champions League, Man City ayaana dooneysa iney adkeyso kooxdeeda marka uu dhamaado xagaagan.

Wariyaha la xushmeeyo ee ku xeel dheer arimaha Spain [Graham Hunter] ayaa ka dhawaajiyay in mustaqbalka Ronaldo ee Real Madrid aan la hubin isagoo intaas ku daray in ciyaariyahanka uu go’aan ka gaari karo arintaas.

“Waxaan ogahay in ciyaartoyda Man City ay aad u hadal hayaan isla markaana ay aaminsan yahiin in Ronaldo uu imaan doono Etihad Stadium, inkastoo ay arintaas aheyn mid sahlan”

Si kastaba Ronaldo ayaa kusoo biiray Real Madrid sanadii 2009, isagoo markaas kasoo hayaamay kooxda cadawga la ah City ee United xiligaas.

Ugu dambeyntii in Ronaldo uu ku biiro kooxda Manchester City waxey noqoneysaa wax aad u adag madama United ay tahay kooxda uu dunida ugu jecel yahay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>