Home » Maxaa Cusub » Grathe Bale Oo Niyada Ka Jebiyay Taageerayaasha Man United Iyo Waxa Uu Ka Yiri Mustaqbalkiisa Real Madrid

Grathe Bale Oo Niyada Ka Jebiyay Taageerayaasha Man United Iyo Waxa Uu Ka Yiri Mustaqbalkiisa Real Madrid


bale

Xidiga reer Wales ayaa si rasmi ah ula hadlay wargeska The Sun wuxuuna xili hore kala cadeeyay waxa uu qorsheenayo iyo halka uu mustaqbalkiisa cayaareed ahaan doono xili cayaareedka dambe.

Grathe Bale ayaa si rasmi ah u sheegay inuu Real Madrid kusii sugnaan doono sidoo kalena uu ku faraxsan inuu garoonka Bernabue baaqi kusii ahaado.

Bale wuxuu yiri “Waan ku raaxeesanayaa ka mid ahaan shaha Madrid sidoo kalena sanado badan inaan Bernabue sii joogo ayaan rabaa”

“Haatan waan la qabsaday nolosha Spain waxaana doonayaa inaan kubadeyda hormariyo si aan kooxdeyda u caawiyo xili cayaareedka dambe sidoo kalena aan koobab muhiim ah kula guuleesto”

“Hadafkeyga wuxuu yahay inaan waqti dheer kasii dhex muuqdo kooxdeyda Real Madrid sidoo kalena aan sare qaado doorka aan ku leeyahay caasimada Spain”

Hadalka kasoo yeeray weeraryahankan wuxuu niyada ka jebiyay kooxda Man United iyo taageerayaashooda oo ku rajo weynaa laacibkan awooda badan inay xagaagan dib ugu soo celin karaan horyaalka England.

Bale inkastoo uu xili cayaareedkan dhaliil badan la kulmay hadana xidigan diyaar ayuu u yahay inuu kubadiisa hormariyo kana dhex muuqdo Madrid xili cayaareedka dambe.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>