Arsenal ayaa dhigeeda United ku qaabili doonta Emirates kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska iyadoo kooxda waqooyiga London ka dhisan ay soo dhaweyneyso dib usoo laabashada Olivier Giroud iyo Mikel Arteta oo kooxda dhaawac kaga maqnaa.
Sidoo kale Welbeck ayaa tababarka kasoo muuqday kaas oo shaki la galinayay inuu ka qeyb qaato kulankaan, markii ay dhibaato soo gaartay kulankii England ay 3-1 ku garaaceen Scotland.
Sidoo kale Aaron Ramsey, Thomas Rosicky, Alexis Sanchez iyo Wilshere ayaa si taam ah uga soo muuqday tababarka xili la arkayay Sanchez iyo Wenger oo dhoola cadeynaya xili tababarka ay ku jireen.