Home » Maxaa Cusub » Guardiola → Man City, Falcao → Valencia: & Wararkii Ugu Dambeeyay Xanta Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Jimco Ah

Guardiola → Man City, Falcao → Valencia: & Wararkii Ugu Dambeeyay Xanta Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Jimco Ah


Transfer-Rumours

Maanta oo Jimco ah ayaan jeclnahay inaan idiin soo koobno wararkii ugu dambeeyay xanta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabihii ugu dambeeyay oo ay qoreen wargeysyada.

Xanta Suuqa ee aan soo gudbineyno masuul kama nicin dhabnimada wararkaan madama aan u xaglin doono halka aan kasoo xiganay.


 

Halyeeygii hore Man United Paul Scholes ayaa aaminsan in Pep Guardiola uu noqon doono macalinka Manchester City.

Sida ay qortay: London Evening Standard

Yaya Toure ayaa ku dirqin doonin kooxdiisa in la fasaxo isagoo dhageysan doona hadii ay heshiis cusub usoo bandhigaan.

Sida ay qortay: Daily Mail

Milkiilaha Man United oo cabsi weyn ka qabay in Wayne Rooney uu ku biiro Manchester City ka hor inta uusan 29-jirkaan heshiis cusub u saxiixin kooxda sanadii 2010.

Sida ay qortay: Independent

Branden Rodgers oo digniin siiyay wiilashiisa da’da yar Raheem Sterling iyo Jordan Ibe iney dhowraan aqlaaqda kadib markii lagu sawiray iyagoo shiisaha dhuuqaya.

Sida ay qortay: Guardian.

Koxoda Valencia ayaa markaan dooneysa iney La Liga dib ugu soo celiso Radamel Falcao iyadoo sidoo kale dooneysa iney Alvaro Negredo si toos ah ula wareegto.

Sida ay qortay: Telegraph

Garabka kooxda PSV Georginio Wijnaldum ayaa si ba’an loola xiriiriyay Man United, inkastoo xidiga qudhiisa uu ka dhawaajiyay inuu doonayo la shaqeynta Van Gaal mar kale.

Sida ay qortay: Manchester Evening News

Man United ayaa xiiseyneysa saxiixa xidiga khadka dhexe kooxda As Roma Mirelam Pjanic, xili mustaqbalka xidigaan ee kooxdiisa aan la hubin.

Sida ay qortay: Metro

Mark Van Ginkel oo doonaya inuu dib ugu soo laabto Chelsea si uu xagaaga soo aadan uga soo muuqdo horyaalka Ingiriiska.

Sida ay qortay: Express

Xidiga diirada u saarnaa kooxaha Arsenal iyo Man United Lacazette oo markaan u gacan gali raba kooxda Newcastle United.

Sida ay qortay: Star

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>