Home » Horyaalada » Bundesliga » Guardiola Oo Rajo Galiyay Mario Goetze: “Waa Mid Ka Mid Ah Xubnaha Ugu Muhiimsan Qorshaheyga Kooxda”

Guardiola Oo Rajo Galiyay Mario Goetze: “Waa Mid Ka Mid Ah Xubnaha Ugu Muhiimsan Qorshaheyga Kooxda”


Goetze 2

Tababaraha kooxda Bayern Munich Pep Guardiola ayaa biyo qabow ku shubay wararka sheegaya in xidigiisa reer Jarmal Mario Goetze uu isaga tagayo kooxda isla markaana wuxuu ku wargaliyay inuu ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan kooxdiisa.

Waxaa soo baxay dhawaan warar xan ah oo xidigaan la xiriirinaya kooxaha Juventus iyo Liverpool, inkastoo warbaahinta ay xooga saareysay arinta Juventus.

Warbaahinta waxey sheegen in Juventus ay dooneyso in heshiiska uu Vidal ku tagayo Bayern Munich laga qeyb galin doono amaah ay kooxdaan ku hesho Goetze, balse Guardiola ayaa arintii soo afjaray.

“Mario wuxuu heshiis kula jiraa kooxda, waa xidigeyga waana xidig weyn sidoo kale” Ayuu yiri Guardiola.

“Waa ciyaariyahan, balse kaliya waxaan ogahay inaan ahay tababare, kooxda ayaa go’aamin karta inuu joogayo iyo in kale”

Si kastaba Mario Goetze wuxuu haatan ku dhib qabaa kursiga keydka kooxda Bayern Munich wuxuuna doonayaa inuu meel kale u dhaqaaqo si uu mustaqbalkiisa u badbaadiyo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>