The Professional Footballers’ Association (PFA) ayaa go’aansadeen inay dhamaadka xili cayaareedkan bilad sharaf siiyaan labada halyee ee mudada dheer kasoo muuqaneen Premiership-ka England Steven Gerrard iyo Frank Lampard.
Gudiga xirfadlayaasha kubada cagta England ayaa labadan halyee ku abaal marin doonaan sida ay sare ugu qaadeen kubada cagta England iyo sanadaha ay soo halgameen.
Kabtanka kooxda Liverpool Steven Gerrard iyo halyeegii hore ee kooxda Chelsea Frank Lampard oo haatan kooxda Man City ka tirsan ayaa xili cayaareedkan macsalaameen doonaan horyaalka England ayagoo u guuri doonaan Waqooyiga England.
Gerrard oo 34-jir ah iyo Lampard oo isagana 36-jir ah waxay labaduba xulka England u cayaareen in ka badan 100-kulan oo heer caalami ah sidaa darted darajada heerka sare oo ay kubada cagta ka gaareen in lagu siiyo bilad sharafeed waa labo xidig oo mudan.
Xagaagan waxay labadan xidig ku kala biiri doonan naadiga LA Galaxy waana kooxda uu Gerrard heshiiska la gaaray halka Lampard uu dib ugu laaban doono naadiga New York FC ee uu sanadkii hore amah kaga soo tagay.