Home » Maxaa Cusub » Gudoomiyaha Napoli Aurelio De Laurentiis Oo Ku Wargaliyay Man United Iyo Arsenal Inaysan Qiimo Jaban Ku Heli Doonin Higuain

Gudoomiyaha Napoli Aurelio De Laurentiis Oo Ku Wargaliyay Man United Iyo Arsenal Inaysan Qiimo Jaban Ku Heli Doonin Higuain


Higuain

Masuulka ugu sareeyo kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa ka hadalnay wararka ku aadan Gonazlo Higuain mustaqbalkiisa cayaareed madaama xidigan siweyn loola xariirinaayo kooxaha ugu caansan dalka England.

Aurelio De Laurentiis ayaa sheegay ayaa fariintiisa si gaar ah ugu wajahay kooxaha Man United iyo Arsenal oo qal qaalo ugu jiraan saxiixa Higuain.

Wuxuuna Aurelio De Laurentiis sheegay in Higauin ay ka iibin doonaan kaliya kooxdii la timaado £72million oo uu ku sheegay qiimaha qandaraaskiisa lagu jebin karo.

De Laurentiis oo la hadlaayay Sky Sports Italia wuxuu yiri “Wargesyada ma garan karaan waxa ay qorayaan, waxay alifiyaan bado badan ee aan jirin”

“Waxaa muhiim ah in Gonazalo uu tixgalinaayo heshiiska uu Napoli kula jiro, kaliya waxaan fasixi doonaa hadii aan helno dalab ku aadan qiimaha qandaraaskiisa lagu jebin karo”

“Gonzalo waa xidig weli ka tirsan Napoli sidoo kalena rabitaankiisa kama hor istaagi doono balse anagana waxan fileynaa in rabitaankeena uusan ka hor imaan doonin”

Aurelio De Laurentiis ayaa ah shaqsi mayal adag sidoo kalena inta badan naadiga Napoli si sahlan ama qiimo jaban loogama qaato xidigaheeda sidaa darteed Man United iyo Arsenal fariin adag ayaa dhagtooda lagu dhibciyay!

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>