Home » Maxaa Cusub » Gudoomiyaha Napoli De Laurentis Oo Qirtay Inuu Gonzalo Higuain Arsenal Ka Iibin Doono

Gudoomiyaha Napoli De Laurentis Oo Qirtay Inuu Gonzalo Higuain Arsenal Ka Iibin Doono


Higuain

Gudoomiyaha kooxda Napoli Aurelio de Laurentiis ayaa markii ugu horeesay niyada u dhisay kooxda Arsenal madaama uu masuulkan sheegay in weeraryahankiisa Gonzalo Higauin uusan ka hor istaagi doonin ku biiritaanka Gunners-ka.

Wargeska The Metro aya soo xigtay hadalka kasoo yeeray Aurelio de Laurentiis oo makaan diyaar u ah inuu Arsenal wada hadalo labaad la furo.

Aurelio de Laurentiis wuxuu dhawaan kooxda Arsenal ka diiday £41m dalab ah kaadi oo Gonzalo Hugauin ku aadanaa balse masuulkan markaan wuxuu diyaar u yahay inuu hoos u dhigo lacagaha £64.7m ee uu weeraryahanka reer Argentina ku doonayo.

De Laurentis wuxuu yiri “Waa macquul inaan Arsenal ka iibino Gonzlo weliba rabitaankiisa kama hor istaagi doono”

“Balse waxaa muhiim ah inaan marka hore Gonzalo kulan wada qaadano kadibna aan ka wada hadalno sida aan wax u rabno”

27-jirkan ayaa la filaa inuu kooxdiisa Napoli isaga hayaamo madaama kooxdan aysan xili cayaareedka nagu soo fool leh kooxda horyaalada Yurub cayaari doonin.

Sidoo kale xidigan waxaa saxiixiisa xiiso u qabaan kooxaha Man United, Chelsea iyo Man City inkastoo Arsenal haatan ku horeyso loolanka xidigan dhalintiisa wanaagsan tahay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>