Gudoomiyaha xiriirka kubada caga Talyaaniga Mr. Carlo Tavecchio ayaa codsaday in Serie A-da laga dhigo 18-naadi si tayada xulka Italy dib loogu soo celiyo.
Horyaalka heerka kowaad ee Talyaaniga xili cayaareedkii 2004/05 ayaa laga dhigay 20-naadi tan iyo wixii markaas ka dambeeyay waxba lagama badalin.
Balse cadaadis ka imaanayo macalinka haatan xulka Italy leyliyo Antonio Conte ayaa ku dalbanaayo in kooxaha Serie A-da la yareeyo si xidigaha uu hogaamiyo ay tababar ku filan iskula qaataan.
Gudoomiyaha xiriirka Talyaaniga Carlo Tavecchio wuxuu yiri “Si aan u gaarno hadaf aan ku qanacno waa in la yareeyo Serie A-da kooxaha ku tartamaan”
“Hadii aan kooxaha horyaalka laga dhigin 18-naadi marnaba ma heli doono fursad ay xidigaha xulka tababar ku filan iskula qaataan ama kulamo muhiim ah la sameeyo”
Hadaba hadalka kasoo yeeray masuulka ugu sareeyo kubada cagta Talyaaniga ayaa la filaa inuu mugiisa yeesho balse kooxaha Serie A-da waxay ku mideesan yihiin urur madax banaan oo lagu magacaabo Lega Calcio.
Waxaana loo baahan doonaa 20-koox ee heerka kowaad inay cod bixin arkin u qaadaan iskuna raacaan in kooxaha la yareeyo mana ahan arin sahlan in la hirgaliyo.