Guillem Balague oo ah qabiir ka tirsan Sky Sports isla markaana ku xeel dheer arimaha kubada cagta Spain ayaa shaaciyay in Gareth Bale uusan ka tagi doonin xagaagan kooxda Real Madrid madama xidigaan iyo wakiilkiisa ay kulan la qaateen maamulka Madrid.
Bale bishii July 2013 ayuu kusoo biiray kooxda Real Madrid isagoo aduun dhan 86 Malyan Oo Pound kaga yimid naadiga Tottenham, balse mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa mustaqbalkiisa kooxda hareeyay dhaleeceeno kaga imaanaya Jamaahiirta kooxda Los Blancos.
Warar dhawaan soo baxay ayaa sheegayay in Bale uu dib ugu laabanayo horyaalka Ingiriiska madama ay xiiso u qabaan kooxaha Man City iyo Man United.
“Bale kuma faraxsana sidii ay wax u socdeen xagaagan iyo doorka uu ku lahaa Real Madrid” Ayuu yiri Guillem Balague.
Balague ayaa sidoo kale qiray in Bale uu doonayo inuu door fiican ku yeesho Madrid xagaaga soo aadan.
“Si kastaba Bale meelna uma socdo xagaaga soo aadan, wuxuuna xaadir ahaanaa Madrid, iyadoon la badalin doorka iyo booska uu kooxda ku leeyahay”
Ugu dambeyntii hadalkaan wuxuu niyad jab ku yahay Man United oo dooneysay in xidigaan ay lasoo saxixato madama Di Maria uusan si wanaagsan u ciyaarin xagaagan.