Wariyaha aadka loo xushmeeyo isla markaana ah qabiir ku xeel dheer kubada cagta Spain Guillem Balague ayaa cadeeyay in mustaqbalka xidiga kooxda Real Madrid Sami Khedira uu kusii jeedo horyaalka Jarmalka.
Xidigaan khadka dhexe ka ciyaara ayaa kusoo biiray Real Madrid sanadii 2010 kadib dhamaadkii koobka Aduunka isagoo kasoo hayaamay kooxda Stuttgart.
Si kastaba heshiiska uu xidigaan kula jiro Real Madrid wuxuu ku egyahay dhamaadka xagaagan, 27-jirkaan ayaana go’aansaday inuu isaga tago Bernabue sida uu ka dhawaajiyay Guillem Balague.
Sidoo kale wariye Guillem Balague wuxuu aaminsan yahay in xidigaan uu dib ugu laaban doono Bundesliga, balse uusan kala garaneyn kooxda uu ku biiri lahaa Schalke iyo Bayern Munich mida ay tahay.
“Sadex maalin Khedira ma aadin tababarka, mana jirto sabab uu kaga maqan yahay, wuxuu heshiis la galay koox jarmal ah, qaar baa leh {Bayern} qarna {Schalke}” Ayuu wariyahaan u sheegay Sky Sports.
Ugu dambeyntii Sami Khedira ayaa xili ciyaareedkaan kooxda Real Madrid ku yeeshay 17-muuqaal oo kaliya dhamaan tartamada oo dhan.