Home » Maxaa Cusub » Guuldarada Xanuun Badanaa: Jamie Carragher Oo Weeraray Kabtan Gerrard!!

Guuldarada Xanuun Badanaa: Jamie Carragher Oo Weeraray Kabtan Gerrard!!


Steven

Halyeega kooxda Liverpool Jamie Carragher ayaa seeftiisa kala dul dhacay kabtanka Liverpool Steven Gerrard oo kaarka cas qaatay kulankii Reds guuldaro 2-1 kala kulantay naadiga Man United.

“Mudo 17-sano ilaa 18-sano ayu Steven halkan ka yahay hormuudka kooxda sidoo kalena kooxdiisa marnaba micno la’aan ugama maqnaanin hadii uu caafimaad qabo Liverpool inuu u dhinto ayuu diyaar u ahaan jiray”

“Steven wuxuu noqday cayaaryahan aan dareenkiisa xakameyn karin weliba ficil waali ah ayuu garoonka ku sameeyay”

Steven Gerrard is sent off for this stamp on Ander Herrera

“Waan aqaan Steven waa xidig caadifad badan inkastoo 4-jeer uu casaanka qaatay kulamada uu la cayaaray Everton iyo Man United hadana marnaba lagama fileyn inuu ficilkan oo kale sameyn karo xili kooxdiisa u baahneyd!”

Sidoo kale halyee Theirry Henry oo isagana ka mid ah shaqsiyaadkii kulankan wax ka falanqeyeen ayaa isagana dhaliiyay ficilkii uu Steven sameeyay wuxuuna yiri.

“Gerrard isagaba wuu ogyahay qaladka uu galay waxaana loo keenay qaybtii labaad inuu kooxda wax kusoo kordhiyo”

“Runtii Liverpool isaga ayaa sabab u ah in laga badiyo weliba kooxdiisa xili aysan ka kabsan karin ayuu dhulka dhigay!”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>