Arsenal ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa Roberto Lewandowski hadii ay ku fashilanto saxiixa Karim Benzema oo ka tirsan kooxda Real Madrid sida ay sheegayaan warbixinada qaarkood.
Real Madrid xidigeeda Benzema ayaa si aad ah loola xiriirinayaa Arsenal iyadoo Wenger uu doonayo inuu kooxdiisa kusoo biiriyo weeraryahan tayo sare leh.
Waxaa la sheegayay in xidiga uu quuldareynao u guuritaanka Waqooyiga London, balse wakiilkiiisa ayaa arimahaas gaashaanka u daruuray wuxuuna qiray in Benzema uu ku faraxsan yahay Los Blancos.
Si kastaba Arsenal waxey diirada saari doontaa Lewandowski oo si ba’an loola xiriirinayo inuu ka tagayo Bayern Munich, Man United ayaase sidoo kale dooneysa.
El Confidential waxey qortay in Roberto Lewandowski uu yahay dooqa labaad ee Wenger isla markaana uu soo xerogalin doono hadii uu waayo Benzema.
Ugu dambeyntiina Lewandowski ayaa dhaliyay 24-gool, 47-kulan oo uu kasoo muuqday Bayern Munich xagaagii dhamaaday.