Piers Morgan oo ah taageere weyn oo kooxda Arsenal ah isla markaana ah shaqsi saxafi ah kana shaqeeya badi talafashinada dalka Britain ayaa aaminsan iney maamulka Arsenal u wacan tahay ceyrinta Wenger si ay u keenaan Klopp.
Macalinkaan reer Jarmal ayaa shalay la xaqiijiyay inuu ka dhaqaajin doono kooxda ka dhisan Signal Iduna Park marka uu dhamaado xagaagan.
Klopp ayaa mudo badan lala xiriirinayay shaqada Arsenal, Morgan ayaana dareensan in la joogo waqtigii la keeni lahaa Emirates Ruuxiga Jurgen Klopp.
“Hadii aanan lasoo saxiixan Klopp, wuxuu aadi doonaa koox kale oo weyn wuxuuna ku guuleysan doonaan koobab”
Manchester City ayaa lagu waramaya iney il gooni ah ku heyso macalinkaan si uu badal ugu noqdo Manuel Pellegrini oo hoos u dhac kooxda u horseeday.
Arsenal haatan waxey ku jirtaa waqti fiican madam ay guulo gaartay 8-kulan oo xiriir ah waana rikoor u gooni ah, sidoo kalana Semi Finalka koobka FA Cupka ayey joogtaa.
Ugu dambeytiina Piers Morgan ayaa talo usoo jeediyay maamulka Arsenal wuxuuna u sheegay iney ka faa’ideystaan fursadaan banaan.