Kooxda Bayern Munich waxay si rasmi ah ugu guuleesatay saxiixa xidiga reer Chile Arturo Vidal oo mudo 4-sano kadib dib ugu soo laaban doono Bundesligaha Jarmalka.
Macalin Pep Guardiola ayaa sheegay in Vidal uu buuxin doono booskii uu baneeyay ruug cadaa Bastian Schweinsteiger.
Hadaba waxaa su’aal ka timid booska uu Vidal kaga cayaari doono Bayern Munich madaama macalin Guardiola nidaam ka duwan sida Vidal uu kubada u cayaaro kooxdiisa u hawl galiyo.
Vidal waa xidig raacasho badan xaawirihiisa sareeyo sidoo kalena dhalintiisa wanaagsan tahay balse kuma haboono inuu cayaaro kubad dagan iyo isku dhiib dhiibka kubadana xariif kuma ahan.
Hadaba sadaal laga bixiyay shaxda cusub ee macalin Guardiola ayaa lagu sheegay in Vidal iyo Thiago Alcantra uu khadka dhexe ku aamini doono xili cayaareedka cusub.
Wuxuuna shaxda Bayern Munich noqon doonaa xili cayaareedka cusub sida hoos ka muuqato:
Goolhaye Manuel Neuer
Daafaca: Mehdi Benatia, Jerome Boateng, David Alaba, Philipp Lahm
Khadka dhexe: Artuo Vidal Vidal, Thiago Alcantra, Arjen Robben, Douglas Costa
Weerarka: Thomas Muller, Robert Lewandowski