Halyeega khadka dhexe kaga cayaaro kooxda Juventus Andrea Pirlo ayaa go’aan ku qaatay inuu qaarada Yurub isaga guuro.
Xidigan waaya araga ah sanadaha kooban ee mustaqbalkiisa cayaareed ka harsan wuxuu kusoo dhameesan doonaa Waqooyiga Ameerika.
Sidaa darteed Andrea Pirlo ayaa si rasmi ah kaga mid noqon doono naadiga New York City FC maalinta Jimcada ee dabyaaqada todobaadkan.
36-jirkan bilawgii todobaadkan dalka Mareekanka ayuu gaaray wuxuuna kulan la qaatay sidoo kalena ay heshiis wada gaareen maamulka naadiga New York City FC.
Inkastoo Pirlo heshiiska Juventus kula joogo uu mudo sanad ah kaga harsan yahay hadana xidigan ayaa go’aansaday inuu magaalada Turin isaga hayaamo kadib niyad jabkii Finalaha Champion-ka madaama Juve koobkii Yurub 3-1 ay kaga qaaday Barcelona.
Pirlo ayaa naadiga New York City FC kula biiro doono halyeeyaasha kale ee kooxdan ka tirsan Frank Lampard iyo David Villa.
Wuxuuna Pirlo ku farxasan yahay inuu kasoo muuqdo MSL-ka dalka Mareekanka madaama kooxda New York City FC ay siin doonto mushaar aad u sareyso balse aan la xaqiijin lacag ahaan inta uu yahay.