Halyee Andrea Pirlo waa shaqsi taariikh dheer ku leh koobka horyaalada Yurub (UEFA Champions League), wuxuuna tartankan kula guuleestay AC Milan sanadihii 2003 iyo 207.
Hadaba ruug cadaagan oo haatan ka tirsan kooxda Juventus sidoo kalena kooxdiisa ay ka mid tahay naadiyada wareega 16-aad koobka Yurub soo gaareen ayaa soo bandhigay xidigaha uu aaminsan yahay inay tartankan ugu wanaagsan yihiin.
Pirlo oo mudo ka badan 15-sano kasoo muuqanaayay UEFa Champions League ayaa shaaca ka qaaday 11-ka xidig ee ugu wanaagsan tartankan wuxuuna boos u waayay Cristiano Ronaldo oo uusan ku darin xidigaha Pirlo uu u doortay inay tartanka Yurub ku taqasuseen.
Hadaba hoos kaga bogo Pirlo iyo UEFA Champions League all-stars ee uu xidigan doortay wuxuuna u xushay shaxda ama nidaamka 4-3-3.
Goolhaye: Gianluigi Buffon (Italy)
Daafaca: Philipp Lahm (Germany), Paolo Maldini (Italy), Fabio Cannavaro (Italy), Cafu (Brazil)
Khadka dhexe: Paul Scholes (England), Gennaro Gattuso (Italy), Xavi Hernández (Spain)
Weerarka: Kaká (Brazil), Lionel Messi (Argentina), Fillipo Inzaghi (Italy).