Home » Maxaa Cusub » Halyee Jamie Carragher Oo Weerar Ku Qaaday Saxiixa Cusub Ee Man United Schweinsteiger

Halyee Jamie Carragher Oo Weerar Ku Qaaday Saxiixa Cusub Ee Man United Schweinsteiger


Carragher-Schweinsteiger

Jamie Carragher ayaa si dhaqsi ah uga hor dhacay saxiixa cusub ee kooxda Man United Bastian Schweinsteiger wuxuuna ka dhawaajiyay in laacibka reer Jarmal uu yahay qorax sii dhaceyso.

Carragher ayaa barta Twitter-ka ku weeraray kabtanka xulka Jarmalka oo doortay inuu waayihiisa cayaareed inta ka harsan ku dhameesto garoonka Old Trafford.

Carragher ayaa dhaliilsan in Man United ay lumiso goolhaye David De Gae sidoo kalena ay la saxiixdaan Schweinsteiger oo haatan da’diisa sii caga cageyneso 30-sano.

Wuxuuna yiri “Waad kaftameesaan, waxaa lumineesan cayaaryahanka idinku wanaagsan (De Gae), waxaadna lasoo saxiixateen cayaaryahan waayihiisii wanaagsanaa horey usoo qaatay!”

“Waad mahadsan tihiin aflagaada aan idin kala kulmay taageerayaasha Man United balse Man United iyo taageerayaasheeda waxba kama yaaqaaniin sida isbadal loo sameeyo”

Dabcan hadalka kasoo yeeray Jamie Carragher wuxuu abuuri doonaa xasarad badad madaama taageerayaasha Man United ay ku tilmaameen saxiixooda cusub Bastian Schweinsteiger inuu la yimid yahay halyee Paul Scholes.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>