Home » Maxaa Cusub » Halyee Michael Owen Iyo Nolashiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)

Halyee Michael Owen Iyo Nolashiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)


owen

Halyee Michael Owen kubada cagta heerkii ugu sareesay ayuu ka gaaray waayihii uu cayaari jiray wuxuuna weeraryahankan soo xirtay maaliyadaha kooxaha kala duwan sida Liverpool, Real Madrid, Newcastle United, Manchester United iyo Stoke City.

Owen haatan waa 35-jir cayaaraha isaga fariistay wuxuuna inta badan ku hawla yahay falanqeynta iyo ka warbixinta cayaaraha laga cayaaro qaarada Yurub gaar ahaan Premiership-ka England.

Balse maanta waxaan si gaar ah uga hadli doonaa noloshiisa gaarka ah oo aan wax badan laga ogeyn, fadan hoos kaga bogo:

Owen waa shaqsi waqtigiisa u hibeeyay qoyskiisa wuxuuna nolosha la wadaagay gabadha lagu magacaabo Louise Bonsall, labadan lamaane ayagoo aad u dhalin yar ayay isbarteen.

Balse sanadii 2002 ayay si rasmi ah xiriirkooda shaaca uga qaadeen, Owen iyo Louise waqtigooda qaaliga ah iyaga ayaa isku hureen madaamx xiriirkooda uu soo bilaawday xili hore ayadoo aad u dhalin yar.

Labada lamaane waa qoys dhameestiran waxaana haatan u joogaan 4-caruur ah, gabadhooda curada ah Gemma Rose waxay dhalatay 1 May 2003, waxaa ku xigay James Michael oo isagaa dhashay 6-Febraayo 2006, Ubadkooda sedexaad oo ah gabar Emily May iyadana waxay dhalatay 29 October 2007 halka ugu dambeyntii gabadhooda 4-aad  Jessica ay dhalatay 26 Febraayo 2010.

Louise oo 34-jir ah iyadaba kama liidato seygeeda madaama ay ku caan baxday cayaarista tartanka fardaha oo ay ka qayb qaadatay tartamo badan.

Balse nasiib daro sanadii 2004 ayay ka dhacday Faras ay ku tartameesay waxaana xiligaas oo gaaray dhaawac halis ah madaama labo laf oo dhabarka ku jirto ka jabtay sidoo kalena waxaa la sheegay in miskaha jab kasoo gaaray.

Louise waxay ku qaadatay mudo bilooyin ah inay kasoo kabato dhaawacii halista ahaa waxaana la yaabay inay dib ugu laabatay tartankii fardo wadista markii ay bogsatay.

Louise iyo caruurteeda haatan waxay ku nool yihiin guri qasri ah oo aad u weyn kaasi oo ku yaalo Waqooyiga Wales wuxuuna Michael Owen gurigaan ka bixiyay malaayin lacago ah si ay qoyskiisa ugu raaxeestaan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>