Home » Horyaalada » Bundesliga » Halyee Miraslov Klose Iyo Noloshiisa Gaarka Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)

Halyee Miraslov Klose Iyo Noloshiisa Gaarka Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)


Miro

Halyee Miraslov Kloe wuxuu dhashay  9 June 1978, waa xidiga ugu goolasha badan tartanka koobka aduunka asigoo dhaliyay 16-gool sidoo kalena waa laacibka xulka Jarmalka ugu goolasha badan asigoo dhaliyay 71-gool.

Klose dhawaan ayuu cayaaraha caalamiga ah ka fariistay kadib markii uu xulka Jarmalka koobka aduunka kula guuleestay haatan kooxda Lazio ayuu ka tirsan yahay waxaana la filaa sanadaha nagu soo fool leh inuu si rasmi ah garoomada u faarujiyo.

Balse maanta waxaan si gaar ah uga hadli doonaa noloshiisa gaarka ah oo aan wax badan laga aqoonin, fadlan hoos kaga bogo:

Miraslov Klose asal ahaan dalka Poland ayuu kasoo jeedaa sidoo kalena xaaskiisa Sylwia Klose iyadana Poland ayay ku dhalatay balse dhalaso Jarmal ayay heesataa.

Labadan lamaane mudo ka badan 10-sano ayay isla nool yihiin waxayna si rasmi ah u aqal galeen December 31, 2004. Dhawaan ayay u dabaal dagi doonaan sanad guuradoodii 10-aad ee kasoo wareegtay arooskoodii.

Sidoo kale Sylwia iyo Miraslov waxaa u joogaan labo wiil oo mataano ah oo lagu kala magacaabo Noah iyo Luan waxayna dhasheen  January 30, 2005.

Klose

Sylwia iyo Miraslov waxay ku nool yihiin nolol aad u dagan waayo laacibkan mala mid ahan xidigaha kale oo inta badan saxaafada soo jiitaan wuxuuna Klose ku dadaalanaa inta badan inuu saxaafada la wadaagin noloshiisa gaarka ah.

Labadan lamaane sidoo kale waxay waqtigooda kusoo wada qaateen magaalooyin badan sida Bremen oo uu xidigan kooxda Werder Bremen u cayaari jiray, Munich oo uu Bayern uga tirsana iyo haatan oo ay Roma ku wada nool yihiin madaama uu kooxda Lazio ka tirsan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>