Halyeegii hore ee xulka Brazil iyo kooxda Barcelona Rivaldo ayaa saxaafada caalamka la wadaagay kooxdiisa riyada iyo 11-ka xidig ee ugu arko inay yihiin kuwii ugu wanaagsanaa ee uu kubad la cayaaro.
Hadaba Rivaldo kooxdiisa riyada xidigo badan oo kubada can ka ah ayaa kasoo muuqdeen balse waxaa liiskan laga waaya Cristiano Ronaldo oo sedex jeer ku guuleestay xidiga ugu wanaagsan caalamka.
Rivaldo sanadii 2003 ayuu kooxda AC Milan kula guuleestay koobka horyaalada Yurub sidaa darteed kooxdiisa riyada waa mid aad u adag laguna tilmaamay naadi dhameestiran.
Waxaa xusid mudan in Rivaldo kooxdiisa riyada uu ku darsaday 5-halyee oo ay xulka Brazil ka wada tirsanaayeen sidoo kalena ay koobkii aduunka 2002 si wadajir ah u qaadeen.
Hadaba hoos kaga bogo kooxda riyada ee halyee Rivaldo doortay:
Goolhaye: Dida (Brazil)
Daafaca: Carles Puyol (Spain), Cafu (Brazil), Roberto Carlos (Brazil), Paolo Maldini (Italy)
Khadka dhexe: Xavi (Spain), Ronaldinho (Brazil), Zinedine Zidane (France), Luis Figo (Portugal)
Weerarka: Ronaldo (Brazil), Lionel Messi (Argentina)