Home » Maxaa Cusub » Halyee Thierry Henry Iyo Waxqabadkiisii Cayaareed Oo Kooban

Halyee Thierry Henry Iyo Waxqabadkiisii Cayaareed Oo Kooban


Le blues hero

Thierry Henry waa halyee aan la gaari karin sidoo kalena kubada cagta ka gaaray heerkii ugu sareeyay balse mudo 20-sano kadib wuxuu go’aansaday inuu garoomada kabihiisa ka qaato sidaa darteed waxaan idiin heynaa macluumaad min bilaaw ilaa dhamaad ku saabsan halyeegan marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray:

1977: bishii August 17 ayuu Paris ku dhashay.

1990: wuxuu ku biiray naadiga AS Monaco asigoo 13-jir ah.

1994: wuxuu saftay kulankiisii ugu horeeyay horyaalka heerka 1-aad dalka France kulan Monaco la cayaartay naadiga Nice asigoo 17-jir ah August 31.

1996: bishii December wuxuu heshii hordhac ah la gaaray naadiga Real Madrid balse xiligaas Madrid wakiilkiisa ayay la heshiisay mana wargalinin FIFA taasi waxay ku muteesatay kooxda reer Spain sidoo kalena Henry isagana ganaax ayuu la kulmay.

1997: bishii May naadia Monaco ayuu la qaaday  Ligue 1 France, wuxuuna xili cayaareedkan dhaliyya 9-gool asigoo cayaaray 36-kulan.

October 11 - isla sanadii 1997 kulakiisii ugu horeeyay ayuu xulka France u saftay cayaar saaxiibtinimo oo ay la cayaareen xulka South Africa.

Thierry Henry

1998: Xulka France ayuu koobkii aduunka kala qayb qaatay, wuxuu dhaliyay 3-gool 6-kulan oo uu cayaaray tartankan laakiin habeenkii Finalaha oo ay France 3-0 kaga qaadeen koobka Brazil isaga kursiga keydka ayuu fadhiyay.

1999: January 18 wuxuu heshiis la gaaray kooxda Juventus.

August 3 - isla sanadii 1999  Arsenal ayaa £10.5million kaga soo iibsatay naadiga Juventus.

Henry

September 9 - Goolkiisii ugu horeeyay ayuu Arsenal u dhaliyay asigoo badal kusoo galay kulan Arsenal ay ka badisay kooxda Southampton.

2000: June - sedex gool ayuu France u dhaliyay asigoo u saftay 5-kulan tartankii Euro 2000 oo ay xulka France ku guuleesteen waxaana lagu xasuustaa in goolkii ugu horeeyay kulankii Semi-finalaha uu ka dhaliyay xulka Portugal.

2002: June 6 - Waxaa la siiyay kaarka cas kulan France la cayaareen xulka Uruguay koobkii aduunka 2002 wuxuuna tartankaan u ahaa France mid fool xun madaama ay wareega hore ku hareen ayagoo horyaalka aduunka ah!

2003: April 27 – Waxaa loo magacaabay ama uu ku guuleestay xidiga ugu wanaagsan horyaalka England (PFA Player of the Year).

Thierry Henry

2004: April 16 - wuxuu 4-gool ka dhaliyay naadiga Leeds kulan ka tirsanaa EPL wuxuuna markaas gaarsiiyay goolasa uu Arsenal u dhaliyay 150-gool.

April 25 - Isla sanadii 204 waxaa loo doortay laacibka ugu wanaagsan horyaalka England sanadkii labaad oo xariir ah (PFA Player of the Year) waxayna ahayd maalintii Arsenal ay horyaalka qaaday cayaar ay 2-2 la galeen Tottenham ayay horyaalka ku qaadeen.

2005: October 18 – wuxuu bar bareeyay iskoorka goolasha Ian Wright ee uu Arsenal u dhaliyay kaasi oo ahaa 185-gool wuxuuna goolkaas ka dhaliyay naadiga Sparta Parague kulan ka tirsanaa koobka horyaalada Yurub.

2006: May Heshiis 4-sano ah ayuu Arsenal u saxiixay wuxuuna meesha ka saaray warar xan ah oo la xariirinaayay ku biiritaanka kooxda Barcelona.

July- isla sanadii 2006 wuxuu xulka France u dhaliyay 3-gool koobkii aduunka ee dalka Jarmalka lagu  qabtay waxaana xulkiisa koobka rigoorayaal kaga qaadeen Italy.

2007: Feb 3, wuxuu Arsenal u dhaliyay goolkiisii 226-aad kulan ay Arsenal bar bar dhac la gashay naadiga Middlesbrough.

June 25, isla sanadii 2007 wuxuu ku biiray kooxda Barcelona oo ku iibsatay £16.1million.

Henry left Arsenal in 2007 and spent three years at Barcelona, where he won the Champions League

September 19: wuxuu Barcelona u dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay kulan ka tirsanaa Champion-ka oo ay Barca 3-0 ku qaarijisay naadiga Lyon.

2009: May: wuxuu Barcelona kula guuleestay 3-koob (Champion, La Liga, Copa del Rey)

November 18 -wuxuu kasbaday dhaliil iyo naceeb farabadan madaama uu gacanta ku dhaliyay gool kulan xulka France la cayaareen xulka Ireland wuxuuna goolkaas sababay in France koobkii aduunka 2010 ugu soo baxaan!

Thierry Henry handball

2010: January 18, FIFA waxay sheegtay inay ciqaabi doonin Henry inkastoo uu si muuqato gacanta ugu dhaliyay gool sababay inay Ireland ka haraan koobka aduunka.

June 20: wuxuu ka mid ahaa xidigahii xulka France ee ceebta kasoo qaadeen koobkii aduunka 2010 ee lagu qabtay dalka South Africa, wuxuuna Henry ka mid ahaa shaqsiyaadkii diideen inay tababarka xulkan sameeyaan kadib markii Nicolas Anelka loo diray gurigiisa markii ay isku dhaceen macalin Raymond Domenech.

July 14: wuxuu u dhaqaaday MSL-ka dalka Mareenkan asigoo heshiis lacago badan uu ku kasbaday la gaaray naadiga New York Red Bulls.

July 15: wuxuu si rasmi ah u xaqiijiyay inuu cayaaraha caalamiga ah isaga fariistay asigoo xulka France u dhaliyay 51-gool waana laacibka ugu goolasha badan xulkan sidoo kalena 123-kulan ayuu cayaaray.

August 28: goolkiisii ugu horeeyay ayuu ka dhaliyay MSL-ka Mareenka kulankan kooxdiisa 2-0 ay kaga badisay naadiga San Jose Earthquakes.

2011: January 11: Arsenal waxay xaqiijisay in halyeegan oo tababar la qaadanaayo madaama uu horyaalka Mareenka xirnaa xiligaas fasax ahaan.

November 17: Macalin Arsene Wenger wuxuu xaqiijiyay in Henry uu dib ugu soo laabtay tababarka Arsenal.

December 10: Arsenal waxay soo bandhigtay taalo maar ah oo ay halyee Henry u dhistay waxaana laga taagay banaanka garoonka Emirates waxayna Arsenal xiligaas u dabaal dageesay sanad guuradeedii 125-aad.

December 30: Wenger wuxuu shaaca ka qaaday inay heshiis 2-bilood ah Henry la gaareen.

Henry scored on his second debut as his winner saw off Leeds in the FA Cup at the Emirates Stadium

January 6, 2012: Halyeegan Arsenal kulankiisii ugu horeeyay ayuu u saftay markii uu dib ugu soo laabtay wuxuuna badal kusoo galay kulan Arsenal la cayartay naadiga Leeds wareega 3-aad ee FA Cup asigana ayaana goolka a ku badisay Arsenal u dhaliyay.

Sidoo kalena gool guusha u horseeday ayuu Arsenal u dhaliyay cayaar ay 2-1 kaga badiyeen naadiga Sunderland kulan ka tirsanaa horyaalka.

February 17: wuxuu dib ugu laabtay kooxdiisa New York Red Bulls wuxuuna ka caawiyay inay horyaalka Mareekanka qaadaan markii ugu horeesay taariikhda kooxdan oo 17-sano xiligaas jirtay.

December 1, 2014: wuxuu si rasmi ah uga tagay naadiga New York Red Bulls oo uu ka tirsanaa mudo 4-sano iyo bar ah.

December 16: wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu gabi ahaanba ka fariistay kubada cagta oo uu kusoo dhex jiray mudo 20-sano ah!

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>