Home » Euro 2016 » Halyeegii Hore Ee Xulka Holland Ronald de Boer Oo Dhaliil Go’aankii Loogu Dhiibay Guus Hiddink Hogaanka Xulka Holland

Halyeegii Hore Ee Xulka Holland Ronald de Boer Oo Dhaliil Go’aankii Loogu Dhiibay Guus Hiddink Hogaanka Xulka Holland


ronald_de_boer_actual_director_tecnico_del_ajax_uefacomjpg

Xulka Holland haatan xaalad adag ayay ku sugan yihiin madaama 2-ka mid ah 3-kulan oo ay cayaareen isreeb reebka Euro 2016 ay guul dareesteen sidaa darteed waxaa dhaliil weyn loo soo jeediyay sida uu wax u wado macalinkan xulkan hogaamiyo Guus Hiddink.

Haatana waxaa arinkan ka aamusi waayay halyeegii hore ee xulka Holland Ronald de Boer oo ku tilmaamay go’aankii markii hore Hiddink xilka loogu dhiibay inuu ahaa mid qaldan.

“Guus Hiddin wax qorshe ah uma haayo Holland waana lagu qaldanaa go’aankii loogu dhiibay xulkan”

“waxaa wanaagsaneyd in badalka Van Gaal loo magacaabo Ronaldo Koeman oo sidoo kale diyaar u ahaa shaqadan balse nasiib daro xiriirka Holland ayaa fursadadaas uu diideen”

“Hiddink haatan waa 67-jir sidoo kalena shaqo wanaagsan ayuu horey usoo qabtay balse maanta kuma haboono hogaaminta Holland waxaana ku suganahay xaalad aad u xun”

“Ronald Koeman haatan shaqo wacan ayuu ka hayaa kooxda Southampton sidoo kalena sanadkii hore Feyenoord ayaa dhisay marka waa macalin wanaagsan oo jeclaa in loo dhiibo xulka Holland laakiin fursad lama siinin maantana qaladkii aan shalay galnay miraheeda ayaan u garaneynaa”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>