Halyeeygii hore kooxda Chelsea Didier Drogba ayaa xaqiijiyay inuu wadahadalo kula jiro koox ka dhisan horyaalka mareykanka oo aan la shaacin.
37-jirkaan reer Ivory Coast ayaa si xor ah kaga tagay kooxdiisa Blues kadib markii uu la qaaday horyaalkii Afaraad ee Premier League ah.
Drogba waxaa lala xiriirinayay inuu aadayo kooxda Inter Milan, balse haatan wuxuu doonayaa inuu raaco wadadii ay qaadeen Steven Gerrard iyo Frank Lampard oo xagaagii dhamaaday qudhooda ka huleelay EPL-ka kuna biiray horyaalka Mareykanka.
“Inter Waa koox weyn waana tixgelinayaa hadii ay dalab iisoo diraan waana ku faraxsanahay inaan maqlo dalab xagooda iiga yimid, balse haatan waxaan wadahadal kula jiraa koox ka dhisan MLS-ka.
Si kastaba Drogba ayaa kula midoobi doona Mareykanka xidigo waaweyn oo ay ka mid yahiin: Pirlo, Keane, David Villa, Giovinco, Lampard, Gerrard iyo Raul oo dhamaantood ah xidigo taariikh ku leh kubada cagta dunida.