Halyeegii hore ee xulka Italy iyo kooxda AC Milan Ganaro Gattuso ayaa amaan kala dul dhacay macalin Jose Mourinho, inkastoo labadan shaqsi uu xifaaltan ka dhaxeen jray markii uu Mourinho Inter hogaamin jiray.
Hadana Gattuso ayaa kubada runta ka sheegay wuxuuna amaan usoo jeediyay Mourinho wuxuuna yiri “Mourinho waa macalin cajiib ah sidoo kalena ka shaqo badan dhamaan macalimiinta kale”
“waa macalin ku wanaagsan diyaarinta kooxdiisa sidoo kalena saxaafada sidii uu doono ayuu isaga dhicin karaa”
“waxaan xasuustaa inuu Inter awood dheeraad ah kusoo kordhiyay sidoo kalena waxaan ku amaanayaa inuu yahay tababare geesi ah sidoo kalena guusha iyo guularada sida loo xamilo yaqaan!”
Jose Mourinho haatan kooxdiisa Chelsea aya hogaamineyso Premiership-ka England sida darteed Jose waxaa looga bartay shaqsigii amaano ama caayo inuu u jawaabo hadaba fariinta wanaaga ku dheehan ee dhanka Gattuso kaga timid muxuu kaga jawaabi doonaa!