Home » Maxaa Cusub » Halyeey Henry Oo Aaminsan In Alexis Sanchez UU Arsenal EPL U Qaadi Karo Xili Cayaareedka Dambe

Halyeey Henry Oo Aaminsan In Alexis Sanchez UU Arsenal EPL U Qaadi Karo Xili Cayaareedka Dambe


sanches

Halyee Theiry Henry ayaa ka dhawaajiyay in weeraryahanka reer Chile Alexis Sanchez uu leeyahay karti uu xili cayaareedka dambe Arsenal ugu qaado horyaalka England.

Alexis Sanchez ayaa xagaagii hore Arsenal kusoo biiray waxaana u suura gashay xidigan inuu garoonka Emirates ka noqdo hogaamiye sidoo kalena uu Gunners-ka u qaado FA Cup.

Hadaba Henry ayaa qabo fikir wanaagsan oo farxad galin doono taageerayaasha Arsenal wuxuuna yiri “Anigoo ah taageero Arsenal rajo wanaagsan ayaan qabaa xili cayaareedka dambe”

“Sidoo kale rajada aan qabo waxaa ugu horeyso in kooxda ay imaan doonaan xidigo muhiim oo awood dheeraad ah naadiga kusoo kordhin karaan”

“Aragtida kale ee aan qabo ayaa ah in Sanchez uu kooxda u qaadi karo horyaalka hadii uu xili cayaareedka dambe markale wacdaro dheeri ah sameeyo”

“Sanchez waa xidig dadaal badan sidoo kalena goolal badan dhalin karo waana ku kalsoonahay inuu xili cayaareedka dambe kooxda guulo dheeraad ah gaarsiin karo”

“Runtii waa xidiga kaliya ee kulan walbo wax ka badali karo sidoo kalena xamili karo cadaadis walbo ee soo wajaho”

Arsenal xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday waxay ku dhameesatay kaalinta sedexaad Premiership-ka England hadaba Sanchez iyo kooxdiisa la arki doonee hadii xili cayaareeda dambe ay ku guuleestay horyaalka uu damac kaga jiro dhamaan kooxaha awooda badan.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>