Home » Maxaa Cusub » Halyeey Michael Owen Oo La Taliyay Kooxdiisii Hore Liverpool: “Iska Iibiya Sterling Waad Heleysaan Badalkiisa”

Halyeey Michael Owen Oo La Taliyay Kooxdiisii Hore Liverpool: “Iska Iibiya Sterling Waad Heleysaan Badalkiisa”


Owen-Sterling-583507

 

Halyeeygii hore Liverpool Michael Owen ayaa kooxdisii hore kula taliyay iney iska iibiyaan Raheem Sterling una sheegay in badalkiisa la heli karo.

Xidigii hore xulka England ayaa amaanay Sterling balse wuxuu Liverpool u sheegay in xidigaan uu yahay mid la badali karo.

“Waxey ila tahay Sterling inuu yahay xidig wanaagsan, balse wadada hala tuso, sanad ka hor waxaa baxay Luis Suarez oo ah xidig aan la badali karin”

“Ma badali kartid qof wanaagsan, balse hadii Liverpool ay lumiso Sterling wey badali kartaa”

“Marka la fiiriyo lacagaha ay ku heli karaan, waxey aniga ila tahay Stering badalkiisa iney heli karaan”

Raheem Sterling waxaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 50 Malyan Oo Pound, Manchester City ayaana ah kooxda ugu cad-cad ee xidigaan la saxiixan karto.

Ugu dambeyntii Owen wuxuu kooxdiisii hore u sheegay iney ka faa’ideystaan lacagaha faraha badan ee ay xidigaan ku heli karaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>