Home » Maxaa Cusub » Halyeeygii Hore Kooxaha Leeds, Spurs & Real Madrid Woodgate Oo Ka Fariistay Ciyaaraha Xilna Ka Qabtay Middlesbrough

Halyeeygii Hore Kooxaha Leeds, Spurs & Real Madrid Woodgate Oo Ka Fariistay Ciyaaraha Xilna Ka Qabtay Middlesbrough


Woodgate

Daafacii hore xulka Qaranka Ingiriiska iyo kooxaha Leeds, Tottenham Hotspur iyo Real Madrid Jonathan Woodgate ayaa soo afjaray waayahiisa ciyaaraha wuxuuna xil maamul ka qabanayaa kooxda Middlesbrough.

Macalinka Middlesbrough Aitor Karanka ayaa shaaca ka qaaday in 35-jirkaan aan heshiiska loo kordhin doonin, xili uu kabtan u ahaa Middlesbrough.

Si kastaba Jonathan Woodgate oo 8-kulan oo qura u saftay xulka Sadex libaax, ayaa haatan ku dhawaaqay inuu siibay kabaha lagu ciyaaro kubada cagta wuxuuna markaan ku biiraya shaqaalaha tababarka kooxdaan sida ay xaqiijisay The Sun.

Jonathan Woodgate waxaa waayahiisa ciyaaraha hoos u dhigay dhaawacyo ragaadiyay wuxuuna awoodi waayay inuu wax badan kasoo muuqdo kooxda faca weyn ee Madrid.

Ugu dambeyntiina Jonathan Woodgate haatan wuxuu diyaar u yahay inuu bilaabo waayahiisa cusub ee isagoo ka mid noqon doona shaqaalaha tababarka kooxda Middlesbrough.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>