Home » Maxaa Cusub » Halyeeygii Hore Man United Dwight Yorke Oo Amaanay Gareth Bale Kuna Tilmaamay Saxiix Ku Haboon Kooxdisii Hore

Halyeeygii Hore Man United Dwight Yorke Oo Amaanay Gareth Bale Kuna Tilmaamay Saxiix Ku Haboon Kooxdisii Hore


Bale

Halyeeygii hore Man United Dwight Yorke ayaa amaan kala duldhacay garabka xulka Wales Gareth Bale isagoo kula taliyay kooxdiisii hore iney saxiixa xidigaan sameyso xagaagan.

York oo ka mid ahaa wiilashii Ferguson ee sida mucjisada ah u qaaday koobka Horyaalada Yurub sanad ciyaareedkii 1998-1999 ayaa qaba fikirka ah in xidigaan heerka caalami ee xulka Wales uu yahay xidiga ka maqan United.

Gareth Bale sanadkiisii ugu horeeyay Real Madrid si qurux badan ayuu kaga soo muuqday wuxuuna la qaaday koobab muhiim ah, balse xili ciyaareedkii dhamaaday ayuu u ahaa midkii ugu xumaa madama uusan kooxda wax koob ah la qaadin sidoo kalana wuxuu xidigaan la kulmay dhibaatooyin kaga yimid Jamaahiirta Madrid.

Si kastaba Dwight Yorke oo aaminsan in Gareth Bale uu yahay mid ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan kubada cagta caalamka ayaa United u farmuuqay saxiixiisa.

“Waan soo qaadan Lahaa Bale, waana midka ay United u baahan tahay, waa xidig kubada qaadan kara isagoo ordaya” Ayuu York u sheegay The Sun.

“Waa British, waa cajiib xawaare leh, wuxuuna awoodaa inuu qof walba gudbo”

“Marka uu taamka yahay waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida, waana tan ay Madrid lacagaha badan ugu soo iibsatay, hadii aan hal ciyaartoy keeni lahaa United xagaagan, Bale ayaan keeni lahaa”

Si kastaba hadal heynta ah in Bale uu ka tagay Madrid ayaa mudooyinka dambe istaagtay iyadoo United qudheeda ay ka gaabisay, inkastoo wax walba ay dhici karaan.

Ugu dambeyntii Bale wuxuu Madrid u wareegay July 2013, isagoo ka hayaamay London wuxuuna ku tagay Madrid aduun dhan 86 Malyan Oo Pound.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>