Home » Maxaa Cusub » Halyeeygii Hore Man United Paul Scholes Oo Doonaya In Peter Cech Uu Badal U Noqdo David De Gea

Halyeeygii Hore Man United Paul Scholes Oo Doonaya In Peter Cech Uu Badal U Noqdo David De Gea


Free-Petr-Cech-2013-Wallpaper-

Paul Scholes ayaa wali jecel kooxdiisii hore wuxuuna markaan ku dhiirigalinayaa iney badalka goolhaye David De Gea ka dhigto goolhayaha da’da ah ee kooxda Chelsea Peter Cech.

De Gea waxaa si ba’an loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid, waxaana kaliya qandaraaskiisa ka dhiman 12-bilood, iyadoo sidoo kale warbixino aan wali la xaqiijina ay shaaciyeen in xidigaan uu heshiis hordhac ah la galay kooxda Madrid.

Si kastaba Peter Cech oo ah goolhaye 11-sano ku sugan horyaalka Premier League ayaa la siiyay ogolaasho ah inuu kooxda isaga tago madama uu booska kala baxay Thibaut Courtios, Scholes ayaana aaminsan in Cech uu badali karo De Gea.

“Hadii De Gea uu baxo, United waa iney lasoo saxiixato Cech” ayuu Scholes ku yiri faalo uu ku qoray Independent. “Waxaan xasuustaa saameyntii ay kooxda ku yeelatay imaanshaha Edwin Van Der Saar 2005. United wey wareersaneed tan iyo markii uu Schmeichel baxay iney hesho goolhaye fiican, waxaana kusoo dhawaa Barthez”

Paul Scholes ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in Van Der Saar markii uu imaanayay United uu ahaa 35-jir, isagoo qiil uga dhigay in Peter Cech aan lala yaabin iney United lasoo saxiixato madama uu yahay 33-jir.

Dhanka kale halyeeygan wuxuu Cech ula doonayaa kooxda wuxuu leeyahay qibrad ah in laga ciyaaro horyaalka EPL-ka madama uu 11-sano goolka ugu jiray Blues.

Ugu dambeyntii Scholes ayaa aad u jeclaan lahaa in kooxdiisa ay mar kale kusoo laabato fooqa sare horyaalka EPL-ka.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>