Emerson oo horey ugu soo cayaaray kooxda Juventus sidoo kalena xulka Brazil sanado badan ka tirsanaa ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay sanadkan ku guuleesan karto koobka horyaalada Yurub.
Hadalka Emerson ayaa kusoo beegmay xili Juventus ay haatan ku dhow dahay inay Finalaha Champion-ka u gudubto hadii ay habeen dambe guuldaro iska ilaaliso kulanka ay Real Madrid la cayaari doont.
Emerson wuxuu yiri “Inkastoo Juve ay dhibaato badan Madrid kala kulmi doonto hadana ugu dambeyntii waxaan qabaa fikirka ah in Juve ay Finalaha u gudbi karto”
“Waxaan aad uga helay qaabka ay kubada u cayaaraan waana koox awood bada oo aan goolal badan laga dhalin karin”
“Qof ku fikiraaya malahan in Juve ay Semi Final soo gaari karto haatan waxay fursad wanaagsan u heestaan inay caalamka ka yaabiyaan kuna guuleestaan Champion-ka waana aaminsanahay inay sameyn karaan”
Kooxda uu hogaamiyo macali Massimiliano Allegri 19-sano ka hor ayaa ugu dambeesay hanashada Champion-ka halka 12-sano kadib ay nus dhamaadka tartankan soo gaareen.