Super Star Harry Kane ayaa meesha ka saaray inuu kooxda Man United u dhaqaaqi doono, weeraryahankan ka tirsan kooxda Tottenham haatana ah xidiga loogu jecel yahay EPL ayaa soo jiitay kooxo badan.
Balse Kane ayaa iska diiday inuu yahay xidig lacag lagu duufsan karin, madaama xidig ay saxaafada England weydiisay su’aal ku aadan hadii Man United ay dalab kusoo bandhigto ma aadi doontaa.
Wuxuuna kaga jawaabay “Maya, Aniga waxaan ahay cayaaryahan Tottenham ka tirsan”
“Marnaba Man United kuma biiri doono xitaa hadii ay lacag badan ii soo bandhigto, waayo aadban ugu qanacsanahay ka mid ahaanshaha Spurs”
Harry Kane ayaa todobaadkan qaatay hadalka Premiership-ka England madaama uu North London Derby labo gool ka dhaliyay kooxda Arsenal sidoo kalena kooxdiisa Tottenham siiyay sedex dhibcood oo qaali ah.
21-jirkan guud ahaan wuxuu xili cayaareedkan dhaliyay 22-gool waxaana la wada sugaa xiliga xulka England loogu yeeri doono waayo weeraryahankan tayada wanaagsan weli xulka England wax kulan ah uma cayaarin.