Home » Maxaa Cusub » Harry Kane Oo Laga Wacay & Afar Xidig Oo Man United Ah Oo Ku Jira Liiska Xulka Ingiriiska Ee La Shaaciyay

Harry Kane Oo Laga Wacay & Afar Xidig Oo Man United Ah Oo Ku Jira Liiska Xulka Ingiriiska Ee La Shaaciyay


Hodgson-204859

Macalin Roy Hodgson ayaa magacaabay liiska xidigaha uu kaga hortagayo Lithuania iyo Italy dhamaadka bishaan Maarso waxaana liiskaan ku jira Afar xidig.

Michael Carrick, Wayne Rooney, Cris Smalling iyo Phil Jones ayaa lagu daray liiska xidigaha macalin Roy Hodgson, xulka Sadexda libaax lagu neynaaso ayaa Wembley kula ciyaari doona Lithuania 27-ka bishaan kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016.

Afar maalin kadib waxey u safri doonaan dalka talyaaniga iyadoo kulan saaxiibtinimo lasoo ciyaari doono xulka uu hogaamiyo Antonio Conte 31-da bishaan Maarso.

Carrick ayaan xulka qaranka Ingiriiska u safan tan iyo October 2013, markaas oo ay la ciyaareen Poland, sidoo kalana waa laga saaray xulkii qaranka Ingiriiska ee koobka Aduunka, sidoo kale Carrick ayaa looga wacay xulka qaranka November 2014 xili ay la balansanaayeen Slovenia iyo Scotland, balse nasiib daro dhaawac gumaarka kasoo gaaray ayuu u awoodi waayay inuu ciyaaro.

Si kastaba Roy Hodgson oo ku sugnaa Old Trafford kulankii ay Spurs ku garaaceen 3-0, ayaa uga wacay xulkiisa Smalling iyo Jones oo safka hore ahaa, waxaana sidoo kale uu u wacay kabtan Wayne Rooney iyo Michael Carrick.

Sidoo kale Liiskaan waxaa markii ugu horeysay looga wacay Harry Kane oo ah xidig ka tirsan Tottenham Hotspur.

Goolhaye:

Fraser Forster (Southampton), Joe Hart (Manchester City)

Daafaca:

Leighton Baines (Everton), Gary Cahill (Chelsea), Nathaniel Clyne (Southampton), Kieran Gibbs (Arsenal), Phil Jagielka (Everton), Phil Jones (Manchester United), Luke Shaw (Manchester United), Chris Smalling (Manchester United), Kyle Walker (Tottenham)

Khadka Dhexe:

Ross Barkley (Everton), Michael Carrick (Manchester United), Fabian Delph (Aston Villa), Jordan Henderson (Liverpool), Adam Lallana (Liverpool), James Milner (Manchester City), Raheem Sterling (Liverpool), Andros Townsend (Tottenham), Theo Walcott (Arsenal)

Weerarka:

Harry Kane (Tottenham Hotspur), Wayne Rooney (Manchester United), Daniel Sturridge (Liverpool), Danny Welbeck (Arsenal)

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>