Weeraryahanka xulka England Harry Kane ayaa iskoor cusub ka dhigay Premiership-ka England kadib markii uu noqday kabtanka ugu dhalinta yar ee xili cayaareedkan naadi hogaamiyo Premiership-ka England.
Kane ayaa xirtay kabtanka Tottenham kulankii ay kooxdan 0-0 la dhaafi weesay naadiga Burnley wuxuuna Kane haatan dhigay iskoor cusub madaama asigoo 21-sano iyo 251-maalmood asigoo jiro inuu xirtay kabtanimada Spurs.
Kane ayaa ku faraxsan inuu iskoor cusub xili cayaareedkan kusoo kordhiyay Premiership-ka England waxaana muuqato xidigan inuu todobaad walbo hadal heynta kubada cagta dalka England la wareegayo.
Hadii Kane uu iskoor dhigay balse kooxdiisa Tottemham ayaa ku guul dareesatay inay booska kaalinta 5-aad kala wareegto naadiga Liverpool kadib markii ay bar bar dhac 0-0 la dhaafi weesay kooxda Burnley oo kaalimaha hoose ku jirto.
Tottenham ayaa haatan 7-dhibcood ka hooseyso naadiga Man City oo kaalinta 4-aad ku jirto balse kulan ayaa baaqi u ah Man City sidaa darteed Tottenham ayaa iska lumisay fursad qaali ah oo ay kaalinta 4-aad ugu dhawaan laheyd.