Home » Maxaa Cusub » Hazard, De Gea, Kane & Lixda Xidig Ee Isugu Soo Haray Abaalmarinta Xidiga Xili Ciyaareedka Horyaalka Ingiriiska

Hazard, De Gea, Kane & Lixda Xidig Ee Isugu Soo Haray Abaalmarinta Xidiga Xili Ciyaareedka Horyaalka Ingiriiska


PFA

Xiriirka FA-ga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay lixda xidig ee isugu soo haray abaalmarinta xidiga Xili Ciyaareedka ee PFA Player of the Year.

Eden Hazard [Chelsea], Harry Kane [Tottenham], Diego Costa [Chelsea] David De Gea [Man United] Alexis Sanchez [Arsenal] & Philippe Coutinho [Liverpool] ayaa isugu soo haray kuwaas oo midkood uu noqon doono xidiga xili ciyaareedka Horyaalka Ingiriiska.

Eden Hazard ayey hadal heynta ugu badan agtaal madama xidigaan uu yahay midka ugu saameynta badan Chelsea, halka Kane isna uu yahay xidig wacdaro ka dhigay EPL-ka isagoo da’yar sidoo kalana kooxdiisa guulo u keenay xiligaan.

21-jirkaan reer Ingiriis ayaa u dhaliyay kooxdiisa 29-gool dhamaan tartamada oo dhan, wuxuuna nasiib u yeeshay in lagu soo daro xulka Ingiriiska ee macalin Roy Hodgson kulan ay xulkiisa guul ka gaareen Lithuania isagoo yimid daqiiqadii 79-aad.

Harry Kane waa xidiga kaliya ee u dhashay Ingiriiska ee ku jira liiska tartamayaasha wuxuuna dhaliyay 19-gool horyaalka EPL-ka isagoo fooqa sare la jooga Costa iyo Aguero.

Sidoo kale liiska waxaa ku jira goolhaye David De Gea oo ahaa xidiga kaliya ee ay ku nooshahay Manchester United ka hor inta aysan isla qabsan madama la xasuusto inuu sameeyay wax aan macquul aheyn xagaagan.

Alexis Sanchez ayaa isna kasoo muuqday xili uu ku sugan yahay London wax ka yar hal sanadood madama uu xagaagan kaliya kusoo biiray balse dardarta uu kusoo galay ciyaaraha ayaa ka dhigan inuu shaqo fiican u qabtay kooxdiisa.

Dhanka kale da’yarka Liverpool Coutinho ayaa isna ah mid ka mid ah xidigaha u sharaxan inkastoo wiilkaan uu yahay midka laga fiirsado kooxda Liverpool.

Diego Costa ayaase ah xidig kale oo ku jira liiskaan inkastoo xidigaan uusan u muuqan mid ugu cad-cad madama uu dhowr jeer ganaaxyo kala kulmay FA-ga.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>