Macalin Jose Mourinho iyo kooxdiisa Chelsea ayaa gaareen guul muhiim ugu ah qorshaha ay ka damacsan yihiin inay xili cayaareedkan ku guuleestay Premiership-ka.
Chelse ayaa si dhib badan 2-1 kaga badisay naadiga Stoke City oo soo booqtay Stamford Bridge waxaana Blues kulankan bad baadiyay Eden Hazard oo gool dhaliyay sidoo kalena gool abuuray.
Chelsea ayaa hogaanka si nadiif ah ku heyso sidoo kalena waxba iskama badalin qaabka ay haatan kaga sareyso kooxaha kusoo xigaan.
Kulankan xiisaha bada qaybtii hore Chelsea ayaa ku gacan sareesay waana sida uu macalin Jose Mourinho rabay balse uma suura galin inay Blues gool muhiim ah xili hore dhaliso.
Waayo daafacyada kooxda Stoke City ayaa kubad adag soo bandhigeen waxaana laga dareemay qaybtii hore Chelsea maqnaashaha Diego Costa oo daafacyada Stoke la dagaalami lahaa.
Hazard ayaa kulankan dar dar badan lasoo baxay balse fursadaha uu isku dayay ama uu sameeyay waxaa marwalbo meel dhexe u taagnaa goolhaye Asmir Begovic oo cayaarta isku dheeli tiray.
Ugu dambeyntii wixii la isku xiiqaba Chelsea ayaa heshay rigoore muhiim ah daqiiqadii 38-aad waxaana qalad muuqd laga galay Cesc Fabregas.
Rigooradii Chelsea loo dhigay waxaa gool u badalay daqiiqadii 39-aad Eden Hazard oo si dagan u dhaliyay waxaana u suura gashay xidiga reer Belgium inuu goolkiisii 12-aad Premiership-ka ka dhaliyo xili cayaareedkan.
Balse kooxda Stoke ayaa diiday inay is dhiibto waxaana cayaarta 1-1 ka dhigay Charlie Adam daqiiqadii 41-aad.
Xidiga ayaa lagu tilmaami karaa goolkiisii midka ugu wanaagsan xili cayaareedkan madaama uu goosha Chelsea kasoo toogtay asigoo ku dhex jiro qaybta gooshiisa garoonka!!
Wuxuu xidigan ka faa’iideestay qaladka goolhaye Courtois oo wax yar xariiqda gooshiisa kasoo baxay, goolka Charlie Adam mid uu hada ka hor Premiership-ka dhaliyay Beckham weliba midkaan ayaa ka qurxoon ayaa la oran karaa!!
Qaybtii hore 1-1 ayaa lagu kala nastay balse macalin Mourinho ma aqbali karin arinkaan madaama kooxdiisa ay fursadihii ay haleen gool u badali waayeen.
Qaybtii labaad Mourinho ayaa ka maarmi waayay Diego Costa oo dhaawac ah inuu adeegsado wuxuuna gudaha kusoo badalay Oscar.
Chelsea ayaa weerar badan bilaawday waxaana fursad gool loo filan karay Ivanovic ka celiyay goolhaye Begovic daqiiqadii 55-aad.
Chelsea dhibaato weyn ayaa soo wajahday daqiiqadii 57-aad madaama Diego Costa uu awoodi waayay inuu kubada sii cayaaro waxaana lagu badalay Didier Drogba kaliya 10-daqiiqo ayuu ku jiray garoonka balse asigoo socon karin ayaa laga bixiyay.
Chelsea culeeskii saarnaa ayaa ka dagay daqiiqadii 62-aad madaama uu cayaarta 2-1 ka dhigay Loic Remy oo ka farxiyay taageerayaasha Chelsea waxaana kubadan dhiibay Eden Hazard.
Remy waxqabadkiisii ugu dambeeyay ayuu ahaa goolkii uu dhaliyay waxaana daqiiqadii 63-aad lagu badalay Juan Cuadrado.
Cuadrado shaqada loo keenay ayaa ahayd inuu kubada raaco sidoo kalena weerarka caawiyo waxaana Chelsea usoo laabtay isku dheeli trikii ay u baahneyd.
Chelsea waxay heshay qaybihii dambe koornooyin iyo laadad badan balse xidigaha kooxdan kama faa’iideesan fursadahan qaaliga ah.
Caadi ma ahan goolhaye Begovic markale kubad gool loo filan ayuu Hazard ka bad baadiyay daqiiqadii 80-aad weliba labo jeer ayuu dadaalkiisa kubadanku bixiyay.
Chelsea ayaa bilaawday qaybihii dambe ee kulankan inay kubada heesato mararka qaarna ay watiga disho.
Wixii la isku xiiqaba kulankan waxaa lagu daray 4-daqiiqo midaas oo Mourinho walaac ku abuurtay wuxuuna cayaartooydiisa ku cadaadiyay inay kubada heestaan sidoo kalena waqtiga si micno daro ah u lumiyaan.
Stoke ayaa wax walbo sameesay waxayna bilaabeen inay kubada usoo tuuraan dhanka Chelsea marwalbo balse nasiib daro fursad fiican waxaan ka qasaariyay Arnautovic daqiiqadii 92-aad madaama uu xidigan kubada hawada marsiiyay asigoo fursad u heestay inuu laad fiican la helo goolka Chelsea.
Ugu dambeyntii Chelsea ayaa guusha ku qaadatay 2-1 waana guul aad muiim ugu ah Jose Mourinho iyo qorshahooda ah inay ku guuleestaan Premiership-ka England xili cayaareedkan.