Hector Herrera oo qadka dhexe uga ciyaara kooxda Fc Porto ayaa ka dhawaajiyay in kooxdisia ay ku hamineyso iney gaarto Finalka tartanka horyaalada yurub, kadib guushii ay xalay ka gaareen Basel.
Kooxda (The Dragao) lagu neynaaso ayaan gaarin quater finalka koobka tan iyo xili ciyaareedkii 2008-2009, markaas oo ay reebeen Man United, balse haatan si qurux badan ayey ugu soo gudbeen wareegaan markii ay 5-1 ku garaaceen Basel isku cel-celis.
Xidigaan reer Mexico ee dhaliyay goolka labaad ee Porto, ayaa qiray sida ay kooxdiisa ugu hamineyso iney gaarto kama dambeysta tartankaan.
“Waxaan leenahay hami weyn, waana u muhiim kooxda iyo ciyaartoyda iney ka mid noqdaan 8-da koox ee ugu wanaagsan yurub” Ayuu yiri Herrera.
“Champions League waxyaabo layaab leh ayaa ka dhaca, waana hamigeena inaan gaarno finalka”
Ugu dambeyntii Porto ayaa ah kooxdii ku guuleysatay tartankaan 2004, markaas oo ay si qurux badan finalka kaga qaadeen kooxda As Monaco.