Kabtanka labaad ee kooxda Liverpool Jordan Henderson ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay jah wareer ku sugan tahay sidoo kalena aysan galabta kulanka adag ka badin karin naadiga Chelsea oo horyaalka England hogaamineyso.
“Dabcan kulanka galabta waa cayaar culus oo ah labada dhinc guul u baahan yihiin balse kalsooni buuxdo ayaan ku qabaa inaan Chelsea garaaci karno”
“Maal mihii ugu dambeesay dhamaanteena si adag ayaan u shaqeenay tababarka kooxda sidaa darteed galabta cayaaryahan walbo wuxuu doonayaa inuu bandhigiisa ugu sareeyo tuso taageerayaasha Reds”
“Waan ka xumahay inaan xaalad adag ku suganahay balse midaas galabta nagama hor istaagi doonto inaan jebino rikoorka Chelsea ee guuldaro la’aanta xili cayaareedkan”
Kooxda Liverpool waxay xili cayaareedkan ku guuldareesatay inay EPL wacdaro ka dhigto sidii sanadkii hore ila haatana kooxdan waxaa laga badiyay 4-kulan ayadoo cayaartay 10-kulan waxayna 12-dhibcood ka hooseysaa naadiga Chelsea oo horyaalka England hogaamineyso.
saleebaanliverpool
November 8, 2014 at 9:52 am
Henderson galabta waxaa saaran diirada waxaana looga baahan yahay qaab ciyaareed kii sanadkii hore mid lamida horyaal kan bilawga ka muuqdan ciyaattii raaxada ahayd ee looga bartay guul liverpool
moha saed
November 8, 2014 at 11:31 am
Aniga Galabta waxaan qabaa ciyaarta in ay ku dhamaantoonto liverpool 1 vs chelsea 4 Costa 2 Oscar 1 Hazard 1 insha allah