Home » Maxaa Cusub » Henderson Oo Ku Booriyay Xidigaha Liverpool Iney Soo Rogaal Celiyaan Kulamada Real Madrid Iyo Chelsea

Henderson Oo Ku Booriyay Xidigaha Liverpool Iney Soo Rogaal Celiyaan Kulamada Real Madrid Iyo Chelsea


Reds

Xidiga Khadka Dhexe kooxda Liverpool Jordan Henderson ayaa ku booriyay xidigaha ay isku kooxda yahiin iney jawaab ka bixiyaan guuldaradii todobaadkaan kasoo gaartay Newcastle United kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo ay St James booqdeen, wuxuuna doonayaa xidigaan reer England iney kooxdiisa soo rogaal celiso kulamada ay wajahayaan Real Madrid iyo Chelsea 6-da maalin ee soo socota.

Kooxda ka dhisan gobolka Merseyside ayaa 1-0, guuldaro ah ka kulantay Newcastle United, waxaana laga dareemayay in kooxda ay u dhutisay maqnaashaha Luis Suarez oo Barcelona ku biiray iyo Sturridge oo tan iyo bilowga horyaalka dhaawacyo ka bixi la’.

Si kastaba Liverpool ayaa talaadada booqaneysa Santiego Bernabeu kas hor inta aysan sabtida gurigeeda Anfield Road kusoo dhaweyn hogaamiyayaasha horyaalka Chelsea.

Henderson oo la hadlayay website-ka rasmiga ah ee kooxda Reds ayaa qiray iney ku soo wajahan yahiin laba kulan oo waweyn, balse loo baahan yahay iney muujiyaan awoodooda gool dhalineed iyo awoodooda difaaceed.

Ugu dambeyntii Liverpool ayaa maalmo adag gali doonta xili la ogyahay iney xili ciyaareedkaan ka liidato xili ciyaareedkii hore, cadaadiska ugu badana wuxuu saaran yahay Mario Balotelli.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>