Xidigii hore ee kooxda Arsenal , Thierry Henry ayaa sheegay in uusan qorsheyneyn in uu ku soo biro baraha bulshada si loo helo ififaalo muujinaya in uu meel guud kula hadlo wariyaasha.
Henry waxaa uu sheegay in uusanba jecleyn baraha bulshada kuwaas oo ugu badnaan lagula xiriiro taageerayasha kubbada cagta.
Weeraryahanka kooxda New York Red Bulls oo malaayiin taageerayaal ah kuleh aduunka kuwaas oo uu abuurtay waqtiyadiisii Arsenal, Barcelona iyo France ayaa qiray in uusan ku soo biiri doonin bogaga waa weyn ee Twitter ama Instagram.
Wariyaasha ayaa ku yiri isagoo ka qeybgalaya bandhiga PUMA evoPOWER boot ma dooneysa in aad ciwaan ku yeelato warbaahinta bulshada waxaana uu ku jawaabay.
“Maya 120% ma doonaayo, ma jecli Twitter, ma jecli Instagram, labadaba kuma lihi wax ciwaan ah , laakiin waxaan heystaa boggag kale oo badan ayuu yiri Henry.
Waxaa Aqrisay: (210)
Mogadishu - Somalia