Home » Horyaalada » italian Serie A » Hernanes Oo Inter Caawa U Safan Kara Iyo Alex Oo Milan Ka Maqnaan Doono

Hernanes Oo Inter Caawa U Safan Kara Iyo Alex Oo Milan Ka Maqnaan Doono


Hernanes

Inter Milan ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in kubad sameeyaha reer Brazil Hernanes uu taam u yahay inuu safto kulanka ay caawo kooxdan wajihi doonto AC Milan.

Balse xidigan tayada wanaagsan waxay u badan tahay inuu kursiga keydka fariisan doonin madaama caafimaadkiisa uusan 100% ahayn.

Dhanka kale macalin Roberto Mancini ayaa saxaafada u sheegay in xidigaha kala ah Danilo D’Ambrosio, Hugo Campagnaro, Yuto Nagatomo iyo Yann M’Vila ay kulanka caawo safan karaan madaama ay kasoo kabteen dhaawacyadii ay qabeen.

Kooxda AC Milan ayaa caawo weyn doonto daafaceeda awooda badan Alex kaasi oo dhaawac dhanka muruqa ah soo gaaray xili uu tababarka kooxdiisa ku guda jiray

Sidaa darteed Alex caawo kama qayb qaadan doono Derby della Madonnina sidoo kale daafacan waxaa la sheegay inuu ugu yaraan mudo labo ilaa sedex todobaad garoomada ka maqnaan doono.

Dhaawaca soo gaaray Alex wuxuu madax xanuun ku rida macalin Pippo Inzaghi oo kooxdiisa dhibaato dhanka daafaca heesato sidoo kalena kulankan waxaa MIlan ganaax kaga maqnaaan doono Daniele Bonera, halka Ignazio Abate, Nigel de Jong iyo Riccardo Montolivo dhamaantood shaki la galinaayo inay kulanka Milan Derby ka qayb qaadan karan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>