Home » Horyaalada » Bundesliga » Heshiis Hirgalay: Man United Oo Kooda Hoffienham Kala Heshiisay Saxiixa Kubad Sameeye Roberto Firmino

Heshiis Hirgalay: Man United Oo Kooda Hoffienham Kala Heshiisay Saxiixa Kubad Sameeye Roberto Firmino


Roberto-Firmino-do-Hoffenheim

Wararka ka imaanayo dalka Jarmalka ayaa sheegayo in kooxda Man United ay ku guuleesatay saxiixa kubad sameeyaha ugu wanaagsan Bundesligaha Jarmalk Roberto Firmino.

United ayaa kala heshiisay kooxda Hoffienham qiimaha kubad sameeyaha reer Brazil Firmino oo haatan ku jiro xiligiisii ugu wanaagsanaa.

Wararka ayaa intaas ku daraayo in kooxda reer Jarmal ay dhigeeda Man United ka aqbashay f £20m waxaana la filaa in Roberto Firmino uu garoonka Old Trafford usoo dhaqaaqi doono horaanta bisha Janaayo.

23-jirkan wuxuu noqon doonaa saxiixa ugu horeeyo ee uu tababare Van Gaal sameyn doono bisha Janaayo.

Sidoo kale xidigan waxaa lala xariirinaayay inta badan kooxaha Yurub ugu caansan sida Real Madrid, Bayern Munich, Liverpool iyo Chelsea balse kooxdiisa Hoffienham ayaa ka heshay dalab raali galiyay kooxda Man United.

Imaanshaha Firmino ayaa ka dhigan in Juan Mata uu bisha Janaayo boorsadiisa ka qaadan doono garoonka Old Trafford waxaana xidigan lala xariirinaa kooxaha Juventus, Atletico Madrid iyo kooxdiisii hore Valencia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>