Tababaraha xulka Jarmalka Joachim Low ayaa xulkiisa mudo dheer kadib ugu yeeray labada xidig ee dhaawaca la dagay Holger Badstuber Iyo Ilkay Gundogan.
Labadan xidig ayaa ka mid noqdeen xidigaha uu macalin Low u xushay inay xulka Jarmalka u cayaaran cayaaraha saaxiibtinimo oo ay todobaadka dambe la cayaari doonaan xulalka Australia iyo Georgia.
Badstuber oo daafaca dhexe kaga cayaaro Bayern Munich waxaa ugu dambeesay inuu maaliyada xulka Jarmalka xirto October 2012 halka Gundoga oo khadka dhexe kaga cayaaro Dortmund isaga waxaa ugu dambeesay inuu xulka Jarmalka u safto August 2013.
Macalin Low ayaa kalsooni ku qabo in Badstuber iyo Gundogan ay dib usoo ceshan doonaan boosaskii ay ku laahaayeen xulka Jarmalka sidoo kalena soo bandhigi karaan qaab cayaareedkii wanaagsanaa ee lagu yaqiinay.
Guud ahaan 23-ka cayaaryahan ee uu tababare Low magacaabay hoos kaga bogo magacyadooda:
Goolhaye: Manuel Neuer (Bayern Munich), Roman Weidenfeller (Borussia Dortmund), Ron-Robert Zieler (Hannover)
Daafaca: Holger Badstuber, Jerome Boateng (both Bayern Munich), Jonas Hector (Cologne), Benedikt Howedes (Schalke), Mats Hummels (Borussia Dortmund), Shkodran Mustafi (Valencia), Sebastian Rudy (Hoffenheim)
Khadka dhexe: Karim Bellarabi (Bayer Leverkusen), Ilkay Gundogan (Borussia Dortmund), Sami Khedira (Real Madrid), Christoph Kramer (Borussia Monchengladbach),Toni Kroos (Real Madrid), Thomas Muller (Bayern Munich), Mesut Ozil (Arsenal), Lukas Podolski (Inter), Marco Reus (Borussia Dortmund), Andre Schurrle (Wolfsburg), Bastian Schweinsteiger (Bayern Munich)
Weerarka: Mario Gotze (Bayern Munich), Max Kruse (Borussia Monchengladbach)