Mario Gotze waa xidigii sanadkii hore xulka Jarmalka u dhaliyay goolkii ay ku qaadeen koobka aduunka sidoo kalena 22-jirkan bilawgii xili cayaareedkan kooxdiisa joogto ayuu ugu cayaari jiray asigoo goolal badan dhaliyay.
Balse bilihii ugu dambeeyay Gotze xaalkiisa aad ayuu u wiiqmay taasi oo sababtay in labadii kulan ee Bayern la cayaartay Barcelona Semi Finalaha Champion-ka in xidigan uu ka cayaaro qadar daqiiqado ah!
Waxa xusid mudan in Bayern inta badan cayaartooydeeda muhiimka ah dhaawac yihiin waxayna ahaan jirtay arin dabiici ah hadii Ribery iyo Robben maqan yihiin booskooda uu Mario Gotze buuxiyo.
Laakiin macalin Pep Guardiola xidigan kalsoonada ayuu kala laabtay waxaana haatan xaalkiisa ku kala qayban xulka Jarmalka iyo madaxda Bayern.
Madaxa ugu sareeyo xulka Jarmalka Oliver Bierhoff ayaa arinkan ka aamusi waayay wuxuuna eeda dusha kaga tuuray kooxda Bayern Munich oo ku tilmaamay naadi bah dishay wax galnimada Mario Gotze!
Dhanka kale Matthias Sammer oo ah agaasimaha Bayern Munich ayaa diiday inuu xasarada sii kiciyo wuxuu sheegay inay Mario Gotze garab istaagi doonaan sidoo kalena fursad wanagsan la siin doono madaama uu xidig dhalin yar yahay.
Laakiin gudoomiye sharafeedka Bayern Franz Beckenbauer isaga uur jileec Gotze uma haayo wuxuuna sheegay masuulkan in xidigan isaga uu sabab u yahay xaalada uu ku sugan yahay madaama uusan dadaal badan sameynin sidoo kalena aaminay inuu kubada heer sare ka gaaray asigoo weli waaya arag noqonin!
Ugu dambeyntii kabtanka xulka Jarmalka Bastian Schweinsteiger sidoo kalena ay Gotze isku koox yihiin ayaa xidigan gara istaagay wuxuuna isaga sheegay in aan la joogin xili Gotze la dhaliilo madaama uu dhalin yar yahay.
Sidoo kale Bastian Schweinsteiger ayaa ka dhawaajiyay in xaaladan oo kale uu soo maray markii uu dhalin yaraa kana soo gudbay wuxuuna Gotze ka dalbaday inuu dul qaad la imaado kuna dadaalo sidii uu Line Up-ka Bayern dib ugu soo laaban lahaa.