Arsenal ayaa Emirates kusoo dhaweyn doonta Liecester City kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska iyadoo kooxda ka dhisan waqooyiga London ay dooneyso iney kasoo kabato guuldaradii todobaadkaan bilowgiisa kasoo gaartay dariskooda Spurs.
Arsenal haatan waxey fadhisaa booska 6-aad ee horyaalka waxeyna dooneysaa iney dib ugu laabato kaalmaha sare waana ku qasab iney guul gaarto hadii ay dooneyso.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Arsenal vs Liecester City
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Emirates Stadium
Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Arsenal ayaa weyneysa Jack Wilshere, Chamberlain, Mikel Arteta & Debuchy, sidoo kale Sanchez ayaa dib ugu soo labanaya Gunners madama uu dhaawac ku seegay kulankii Darbiga waqooyiga London.
Dhanka kale Liecester City ayaa iyadana ay ka maqan yahiin Wood iyo Kasper Schemeichel.
MA OGTAHAY:
Markii ugu dambeysay labadaan kooxood ku kulmaan London, Arsenal ayaa guul ku gaartay Highbury iyadoo gool looga hormaray ku badashay laba gool.
Labada gool oo ay xiligaas Arsenal uga badisay Liecester waxey ka yimaadeen halyeeyada Thierry Henry iyo Patrick Vieira.
Liecester City ayaa guuldaro la kulantay 9-jeer, 12-kii kulan ee ugu dambeysay horyaalka.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
ARSENAL:
Ospina; Bellerin, Mertesacker, Koscielny, Gibbs; Coquelin, Ramsey, Sanchez, Cazorla, Ozil; Giroud
LIECESTER CITY:
Schwarzer, Simpson, Wasilewski, Morgan, Konchesky, Cambiasso, James, Mahrez, Nugent, Schlupp, Ulloa