Home » Falanqeynta » Hordhac: Arsenal vs Liverpool: Gunners Oo Aruursatay Abaalmarinada Bisha & Reds Oo Maara U La’ Sterling

Hordhac: Arsenal vs Liverpool: Gunners Oo Aruursatay Abaalmarinada Bisha & Reds Oo Maara U La’ Sterling


ArsenalLiverpool

Maanta waxa jira kulan xiiso iyo xamaasad leh kaas oo garoonka Emirates ku dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Liverpool inkastoo Indhaha caalamka ay kusii jeedaan arinta murugsan ee ka dhaxeysa Raheem Sterling iyo Liverpool.

Qof walba yeelkeede, dhanka kale Arsenal ayaa farxad ku jirta iyadoo Giroud iyo Wenger ay heleen abaalmarinada bisha ee la gudoonsiiyo xidiga iyo macalinka taasoo dhiirigalin u ah.

Liverpool waxey shan dhibcood u jirtaa kaalinta afaraad waana iney nooleyso rajada ay ka qabto iney sanadka dambe aado UCL, halka Arsenal ay iyana hal dhibci ka hooseyso kooxda kaalinta labaad ee Manchester City.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Arsenal vs Liverpool

Tartanka: FA Premier League

Garoonka: Emirates Stadium

Saacadda: 2:45 Duhurnimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Danny Welbeck ayaa mari doona tijaabo madama dhaawac dhanka jilibka ah uu soo gaaray isagoo matalaya xulka qaranka, Wilshere, Debuchy, Arteta iyo Diaby ayaana soo kabsasho sameeyay kadib markii ay kulan saaxiibtinimo oo albaabada u xirnaayeen ay ciyaareen. Chamberlain ayaa wali dhaawac dhanka muruqa ah ku maqan.

Dhanka kale Skrtel iyo Gerrard ayaa ganaax ku seegi doona kulankaan kadib markii sadex kulan la wada ganaaxay, Lucas Leiva, Sterling iyo Sturridge ayaa kasoo laabtay dhaawac, halka Lallana uu isna shaki ku jiro inuu safto.

MA OGTAHAY:

Arsenal ayaan wax gool ah laga dhalin afartii kulan, kaliyana hal gool ayaa laga dhaliyay shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay gurigeeda ku ciyaartay kulamada EPL-ka.

Liverpool ayaa kaliya hal guul gaartay 18-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay tartamada dhan la ciyaartay Arsenal. (7-barbaro iyo 10-qasaaro).

Kulanka u dhaxeeyaa kooxaha Liverpool vs Arsenal, waa kulanka ugu badan ee la iska dhaliyo sadexley waxaana la iska dhaliyay (5-sadexley) kulamada EPL-ka.

Waxaa jira 8-gool oo dhashay daqiiqada 90-aad iyo 2-gool oo dhashay daqiiqada 45-aad, 12-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka EPL-ka.

Liverpool kaliya hal jeer ayey difaacatay shabaqeeda 18-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaarta Arsenal kulamada EPL-ka.

Arsenal guul lagama gaarin 8-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay Emirates Stadium ku ciyaartay markii ugu dambeysay oo ay sidaan sameyso waxey aheyd November 2005 markaasna 13-jeer ayaan laga badin.

Arsenal kaliya hal jeer ayey guul gaartay 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay gurigeeda kula ciyaarta shanta koox ee ugu sareeya EPL-ka, United, City, Chelsea iyo Liverpool.

Arsenal ayaa ah kooxda ugu badan oo ay ciyaartoy kala duwan goolal u dhaliyeen 15-ciyaartoy ayeyna goolal ka heleen halka Liverpool ay ka heshay 14-ciyaartoy.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

ARSENAL:

Ospina; Bellerin, Koscielny, Gabriel, Gibbs; Ramsey, Coquelin; Sanchez, Cazorla, Ozil; Giroud

LIVERPOOL:

Mignolet; Can, Lovren, Sakho; Johnson, Allen, Henderson, Moreno; Coutinho, Sterling, Sturridge

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>