Arsenal aya u dagaalameysa iney ku dhameysato booska labaad ee horyaalka, waxeyna u noqoneysaa markii ugu horeysay oo ay booskaas ku dhameysaneyso tan iyo xili ciyaareedkii 2004/2005.
Toban sano ayaa kasoo wareegtay markii ugu dambeysay Arsenal ay ku dhameysato booska labaad ee horyaalka waxeyna markaan u heysataa fursad fiican madama ay booskaas gali karto hadii ay guulo gaarto dhamaan afarta kulan ee u harsan.
Guul ay ka gaarto Swansea City waxey ku hogaamin karta iney dhibcaha barbaro kala noqoto Man City oo shalay xasuuqday QPR.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Arsenal vs Swansea City
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Emirates Stadium
Saacadda: 10:00 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE, CIYAARI DOONO?
Aaron Ramsey ayaa shaki weyn la galinayaa inuu ciyaaro kulanka caawa madama dhaawac uu soo gaaray kulankii Hull City, Welbeck ayaa isna dhaawac ku seegi doona kulankaan, balse wuxuu soo labanayaa kulanka Man United, halka Arteta, Chamberlain, Debuchy iyo Diaby ay dhaawacyo ku seegi doonaan.
Gomis ayaa dib ugu soo laabtay Swansea isagoo dhaawac ku seegay sadexdii kulan ee ugu dambeeyay, sidoo kalana waxaa kooxda ka maqan Jordi Amat, Naughton, Carroll iyo Routledge.
MA OGTAHAY:
Danny Welbeck ayaa dhaliyay sadex gool afartii kulan ee ugu dambeysay oo uu ka hor yimaado Swansea City kulamada horyaalka.
21-gool ka mid ah 22-kii kulan ee ay iska dhaliyeen labadaan kooxood dhamaan tartamada oo dhan waxey dhasheen qeybtii labaad.
Labadan kooxood 7-jeer ayey horay ugu kulmeen horyaalka Ingiriiska min sadex jeer wey kala baidyeen hal jeerna barbaro.
Arsenal kaliya hal jeer ayey guuldaro la kulantay 34-tii kulan oo ay ku ciyaartay gurigeeda kulamada horyaalka 24-guul, 9-barbaro iyo 1-guuldaro.
Arsenal kaliya laba gool ayaa laga dhaliyay 7-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaartay gurigeeda Emirates Stadium.
Ka hor kulankaan ma jiro xidig ka caawin badan Santi Cazorla tan iyo markii uu kulankiisii ugu horeeyay u saftay kooxda August 2012, (28 caawin).
Arsenal afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka waxey kusoo gashay shax isku mid ah waana markii ugu horeysay oo ay sidaan sameyso tan iyo April 1996.
Ma dhicin in Arsenal ay shan kulan oo xiriir ah shax isku mid ah kusoo gasho tan iyo sanadii 1994, caawa ayeyna rikoorkaas jabin kartaa.
Aaron Ramsey ayaa ka qeyb qaatay 7-gool lixdii kulan ee ugu dambeysay sadex gool iyo afar caawin.
LINE UPKA MACQUULKA AH: