Manchester United ayaa raadineysa guusheedii 7-aad oo xiriir ah xili ciyaareedkaan madama ay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ay guul gaareen.
Man United haatan waxey 8-dhibcood u jirtaa hogaanka horyaalka, waxeyna galabta marti ugu noqon doontaa garoonka Villa Park kooxda Aston Villa.
Soo laabashada Michael Carrick ayaa Manchester United saacidaad fiican siisay madama xidigaan uu miisaamay awooda kooxda isla markaana adkeeyay daafaca dambe.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Aston Villa vs Manchester United
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Villa Park
Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Aston Villa ayaa dib u heleysa kabtankeeda Ron Vlaar kaas oo qeybtii dambe kasoo galay kulankii ay guuldarada kala kulmeen West Brom, balse waxaa kooxda aganaaxyo kaga maqan Kieran Richardson iyo Alan Hutton, waxaase aysan suuragal u aheyn inuu kooxdiisii hore ka hor yimaado Tom Cleverley kaas oo amaah kaga maqan United.
Dhanka kale Manchester United oo aheyd koox ay aafeeyeen dhaawacyo badan ayaa haatan kasoo kabatay waxaana kaliya ay weyn doonaan Cris Smalling, Marcos Rojo, Daley Blind iyo Luke Shaw.
Falcao ayaa rajeynaya inuu markiisii ugu horeysay kusoo bilowdo, halka Rafael uu isna filanayo inuu mudo kadib garoomada kusoo laabto waxaana sidoo kale sadex kulan kadib kusoo laabanaya Di Maria.
MA OGTAHAY:
Manchester United ayaa barbaro gashay 6-jeer, halka 12-kalan ay guul gaareen 18-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Villa Park ku ciyaareen mudadii u dhaxeysay 1996-97 ilaa 2014/2015, Mana la kulmin guuldaro mudadaas.
Kaliya Sunderland kulamada ay Liverpool gurigeeda kula ciyaartay oo ay guuldarooyinka kala kulantay ayaana ka badan kulamada Villa iyo United ku dhexmaray Villa Park, iyadoo Liverpool ay 20-jeer guuldaro kala kulmin Sunderland intii u dhaxeysay 1959 ilaa 2002.
Wayne Rooney ayaa ah xidiga goolasha ugu badan ka dhaliyay Aston Villa dhamaan xidigaha EPL-ka haatan ku sugan madama uu ka dhaliyay (12-gool).
LINE UPKA MACQUULKA AH:
ASTON VILLA:
Guzan, Lowton, Okore, Clark, Cissokho, Sanchez, Delph, N’Zogbia, Weimann, Agbonlahor, Benteke
MAN UNITED:
De Gea; Valencia, Jones, Evans, Young; Carrick, Fellaini, Mata, Rooney; van Persie, Falcao
gamuute
20-December-2014 at 10:18 am
Man-United waxay sii wadan doontaa guusha quruxda badan ee waayadan danbe ay k,u raaxay sanayso. waxaan caawana ku guulaysan doonaa ugu yaraan 2 goal.